Wax Badan Ka Ogow Isku Aad-ka Wareega 16ka ee Champions League, Waqtiga Uu Dhacayo Iyo Waxyaalaha Kusoo Kordhay Xili Ciyaareedkan.

Goorma Ayaa La Sameynayaa Isku Aadka 16-ka ee Champions League?

Isku aadka ayaa ka dhici doona xarunta UEFA ee magaalada Nyon ee dalka Switzerland maalinta Isniinta ee 13ka December. Xafladdu waxay bilaabanaysaa 14:00 CET, oo ku beegan 2da duhurnimo ee waqtiga geeska Africa.

Waxaad si toos ah uga daawan kartaa degalkaan fiirso hada, si la mid ahna Appka Fiirso Hada.

Waa Kuwee Kooxaha Usoo Gudbay isku aadka wareega 16-ka ee Champions League?

Isku aadka waxaa ka soo muuqanaya 16-ka kooxood ee ka soo gudbay heerka guruubyada UEFA Champions League; kooxaha ayaa kusoo kala baxay kaalinta 1aad iyo 2aad ee guruubyada ay ka tirsanaayeen:

Kooxaha Kaaalinta 1aad.
Ajax (NED)
Bayern (GER)
Juventus (ITA)
Liverpool (ENG)
LOSC Lille (FRA)
Manchester City (ENG)
Manchester United (ENG)
Real Madrid (ESP)

Kooxaha Kaaalinta 2aad.
Atlético (ESP)
Benfica (POR)
Chelsea (ENG)
Inter (ITA)
Paris Saint-Germain (FRA)
Salzburg (AUT)
Sporting CP (POR)
Villarreal (ESP)

Kooxaha Isku Wadan Ka Socda Ma Isku Wajihi Karaan Wareega 16ka?

Ma jirto koox ka hor imaan karta koox kale oo ay isku wadan ka yimaadeen. Sidoo kale kooxahu ma wajihi karaan kooxaha ay kawada tirsanayeen isku guruubka intii lagu gudo jirey wareegii guruubyada.

Goorma Ayaa La Ciyaarayaa Wareega 16-ka Champions League?

Lugta hore waxa loo qorsheeyay 15/16/22/23 February, halka lugta labaad la ciyaari doono 8/9/15/16 March. Ciyaartu waxay bilaabanaysaa 23:00 Som.

Isku aadka wareega afar dhamaadka, semi-finalka iyo finalka ayaa la qori-tuuri doonaa maalinta jimcaha ee 18-ka March.

Waa Maxay Isbeddellada Soo Kordhay Xilli Ciyaareedkan?

Waxa gebbi ahaanba meesha laga saaray sharcigii loogu yeeri jireyAway goal, sidaa darteed hadii kooxuhu kula bexi waayaan 180-ka daqiiqo ee ciyaaraha labada kulan isku midna ka noqdaan goolasha ay kala dhaliyeen waxay isla aadi doonaan waqtiga dheeraadka oo 30 daqiiqo ah, Haddii kooxaha weli la kala saari kari waayo 30ka daqiiqo ee dheeriga ah ka dib, waxay ku kala baxayaan rigooreyaal.

Ku Xirnoow FiirsoHada