Suuqa Kala Iibsiga

Qayb-Tan Kala Iibsiga Waxaad Ka Akhrisan Kartaa, Heshiis-yadii Ka Dhacay Suuqa Kala Iibsiga.

Lionel Messi to Inter Miami:

Xiddiga Lionel Messi ayaa si Rasmi ah ugu biiray kooxda Inter Miami ee ka ciyaarta horyaalka Maraykanka.

N’Golo Kanté to Al Ittihad:

Xiddiga kooxda chelsea ee N’Golo Kanté ayaa ku biiray kooxda Al Ittihad ee ka ciyaarta horyaalka sucuudiga.

Jude Bellingham to Real Madrid:

Kooxda Real Madrid ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Jude Bellingham kaas oo ay kala wareegtay kooxda Borussia Dortmund.

Karim Benzema to Al Ittihad:

Xiddiga Karim Benzema ayaa si Rasmi ah ugu biiray kooxda ka ciyaarta horyaalka sucuudiga ee Al Ittihad sida ay xaqiijisay kooxdu.

Alexis Mac Allister to Liverpool:

Alexis Mac Allister ayaa la filaya inuu tijaabada caafimad u marro kooxda liverpool maanta, xidiga ayaa doonaya inuu soo afjarro u wareegistiisa kooxda Liverpool kahor inta uusan ku xaroon xerada xulkiisa qaranka.

Hakim Ziyech PSG:

Heshiiska Hakim Ziyech ugu wareegayo PSG ayaan ilaa hada dhameystirin, kooxaha ayaan welli documents-ka dib u gaarsiin xariirada si loo diiwangasho. Chelsea & PSG ayaa hada xal kale u raadinaya amuurtan. Sida uu qorayo Fabrizio Romano.

Hakim Ziyech to PSG:

Hakim Ziyech ayaa Paris Saint-Germain ugu biiraya heshiis amaah ah ilaa June bartamaha sanadkan, kooxaha ayaan isku af garan wax iibsi toos ah keliya amaah ayaa ugu wareegaya PSG. Hakim Ziyech ayaa tijaabada caafimaad u maray PSG.

Enzo Fernandez to Chelsea:

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa ugu dambayntii ku guuleysatay saxeexa xiddiga khadka dhexe ee reer Argentina ee Enzo Fernandez oo ay u jabisay rikoodhkii iibka ciyaartoyda horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier Legue.

Marcel Sabitzer to Man United:

Manchester United iyo Bayern Munich ayaa heshiis ka gaadhay xiddiga khadka dhexe ee Marcel Sabitzer oo hadda u duulay waddanka UK oo uu tijaabada caafimaadka ugu mari doono Man United oo uu ugu wareegayo heshiis amaah ah oo soconaya illaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Jorginho to Arsenal:

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday heshiiska xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka Talyaaniga ee Jorginho oo ay £12 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Chelsea, kaas oo noqonaya saxeexii saddexaad ee ay Gunners samayso suuqa bishan January.

Joao Cancelo to Bayern Munich:

Kooxda Bayern Munich ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga kooxda Man City ee João Cancelo kaas oo ay kala wareegtay kooxda Man City. Bayern ayaa xiddiga João Cancelo kula wareegtay qaab amaah ah oo uu kula jogi doono kooxda Bayern inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Noni Madueke to Chelsea:

Kooxda chelsea ayaa sii wada wacdarihii ay ka dhigaysay suuqa kala iibsiga iyada oo qarka u saaran dhamaystirka saxiix cusub. Kooxda chelsea ayaa dhigeeda PSV kala heshiisay qiimaha xiddiga si ku meel gaadh ah iyaga oo bixinaya lacag dhan 35 milyan oo euro.

Leandro Trossard to Arsenal:

Kooxda Arsenal ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Brighton ee Leandro Trossard.Xiddiga ayaa wakhti hore heshiiska shaqsiga ah la gaadhay waxana uu qalinka ku duugayaa heshiis wakhti fog ah.

Mykhailo Mudryk to Chelsea:

Kooxda chelsea ayaa si Rasmi ah ugu guulaystay saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara ee Mykhailo Mudryk kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Shakhtar.

Wout Weghorst to Man United:

Kooxda Man United ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga weerarka ka ciyaara ee Wout Weghorst kaas oo ay kula soo wareegtay qaab amaah ah inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Coday Gakpo to Liverpool:

Kooxda Liverpool ayaa Dhamaystirtay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda PSG ee Cody Gakpo sida uu xaqiijiyay Fabrizio Romano. Liverpool aya saacado gudohood ku dhamaystirtay saxiia xiddiga Gakpo kaas oo ay ka dhigayso saxiixeedii ugu horeeyay ee suuqa January.

David Fofana to Chelsea:

Kooxda chelsea ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga David Datro Fofana kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Molde sida uu xaqiijiyay saxafiga Fabrizio Romano. Fofana ayaa noqday saxiixii ugu horeeyay ee ay kooxda chelsea si Rasmi ah u dhamaystirtay ka hor furitaanka suuqa kala iibsiga January.

Christopher Nkunku to Chelsea:

Kooxda chelsea ayaan wakhti iska lumin waxana ay samaysay saxiixeedii ugu horeeyay ka hor furitaanka suuqa kala iibsiga Bisha January. Chelsea ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda RB Leipzig ee Christopher Nkunku kaas oo ay ka dhigtay saxiixeedii ugu horeeyay.

Endrick to Real Madrid:

Kooxda Real Madrid ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee samaysa saxiix cusub ka hor furitaanka suuqa January ee ay labada todobaad inaga xigaan. Real Madrid ayaa ku dhawaaqday saxiixa xiddiga weerarka ka ciyaara ee Endrick kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Palmeiras..

Kluivert to Valencia:

Justin Kluivert ayaa si rasmi ah ugu biiray Valencia isagoo heshiis amaah ah uga soo wareegay AS Roma. Kooxda reer Spain ayaa xiddigaan ku iibsan karta 15 milyan euro xagaaga danbe.

Braithwaite to Espanyol:

Martin Braithwaite ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda Espanyol uu u saxiixay hishiis seddex sannadood ah. Barithwaite ayaa si xor ah ugu wareegay Espanyol ka dib markii Barcelona ay maanta kansashay qandaraaskiisa.

Arthur Melo to Liverpool:

Liverpool ayaa si rasmi ah u dhameystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe Arthur Melo oo ay amaah hal xilli ciyaareed ah ugala soo wareegeen Juventus. Hishiiska kuma jirto qodob dhigaya inay si joogta ah u iibsadaan xagaaga danbe.

Aubameyang to Chelsea:

Chelsea ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa weeraryahan Pierre-Emeric Aubameyang, iyagoo kala soo wareegay Barcelona, waxay ku soo iibsadeen 14 milyan euro iyadoo Marcos Alonso uu si xor ah ugu wareegayo Barcelona.

Denis Zakaria to Chelsea:

Chelsea ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay amaah hal xilli ciyaareed ah kula soo wareegtay xiddiga khadka dhexe ee Juventus Denis Zakaria. Blues waxay heysataa doorasho ah inay xiddiga reer Switzerland si joogta ah kula wareegto xagaaga danbe iyagoo bixinaya 30 milyan euro.

Idrissa Gana Gueye To Everton:

Xiddiga kubad burburiyaha khadka dhexe ee PSG iyo xulka Senegal Idrissa Gana Gueye ayaa si rasmi ah ugu biiray Everton isagoo u saxiixay hishiis labo sannadood ah.

Abdou Diallo To RB Leipzig:

Abdou Diallo ayaa ka tagay Paris Saint-Germain isagoo hishiis amaah hal sanno ah ugu wareegay kooxda Bundesliga ka dhisan ee RB Leipzig. Kooxda Jarmalka ayaa qiyaar u leh inay xiddigaan si joogta ah u la wareegto.

Hector Bellerín to Barcelona:

Daafacii hore ee Arsenal Hector Bellerín ayaa ku biiray kooxda ayaantan dhismaha isku wada ee Barcelona. Heshiis hal sanno ah oo aan kordhin lahayn ayuu ugu biirey

Laywin Kurzawa To Fulham:

Laywin Kurzawa ayaa ka tagay Paris Saint-Germain isagoo heshiis amaah hal sanno ah ugu wareegay kooxda Premier League ee Fulham.

Mario Balotelli To FC Sion:

Mario Balotelli wuxuu ka tagay kooxda Turkiga wuxuuna ku biiray kooxda Switzerland ee FC Sion. Waa kooxdiisi 11aad ee uu u ciyaaro wayihiisa ciyaareed.

Julian Draxler To Benfica:

Julian Draxler ayaa ka tagay Paris Saint-Germain isagoo hishiis amaah hal xilli ciyaareed ah ugu wareegay kooxda horyaalka Portugal ee Benfica.

Willian To Fulham:

Xiddigii hore ee kooxaha Arsenal iyo chelsea ayaa heshiis hal sano ah u saxiixay kooxda Fulham isaga oo dib ugu soo laabtay Premier League.

Antony To Man United:

Kooxda Man United ayaa soo bandhigtay saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara ee Antony kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Ajax iyaga oo ka dhigay saxiixa ugu qaalisan suuqa xagaagan.
Man United ayaa xitaa xaqiijisay in uu xiddiga reer Brazil diyaar u yahay in uu ciyaaro kulanka Arsenal ee Todobaadka dambe ee premier League.

Manuel Akanji To Man City:

Kooxda Man City ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Manuel Akanji Kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Borussia Dortmund.
Man City ayaa heshiis 5 sano ah ka saxiixatay xiddiga kaas oo joogi doona kooxda Ilaa haatan 2027 kaan dhigay saxiixoodii 5-aad ee suuqa xagaaga.

Martin Dubravka To Man United

Kooxda Man United ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa Goolhaye Martin Dubravka kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Newcastle United.
Man United ayaa Martin Dubravka kula soo wareegtay qaab amaah ah inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Azpilicueta oo Sii Joogaya Chelsea:

Cesar Azpilicueta ayaa qandaraaska cusub u saxiixay Chelsea isagoo qalinka ku duugay hishiiis labo sannado ah, wuxuuna iska diiday Barcelona oo isbuucyadii ugu danbeysay xiiseyneysay.
Isha: F. Romano.

PSG Ayaa Lasoo Wareegtay:

Renato Sanches ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda Paris Saint-Germain isagoo ka soo wareegay Lille ka dib heshiis 15 milyan euro oo dhexmaray labada kooxood. Xiddiga reer Portugal wuxuu heshiis shan sannadood ah u saxiixay kooxda ka dhisan caasimada Faransiiska.
Isha: F. Romano.

Wijnaldum oo U Dhaqaaqay:

Xiddiga khadka dhexe ee PSG Gini Wijnaldum ayaa ka degay caasimada Talyaaniga ee Rome halkaasoo ay ku soo dhaweeyeen taageerayaasha kooxda AS Roma. Wijnaldum ayaa hishiis amaah hal sanno ah u saxiixi doona kooxda Talyaaniga iyadoo kooxda Jose Mourinho ay qiyaar u leedahay inay iibsato.
Isha: F. Romano.

Chelsea oo Lasoo Wareegtay:

Difaaca Brighton Marc Cucurella ayaa ku sugan magaalada London, wuxuuna haatan tijaabada caafimaadka u marayaa Chelsea. Waxaa haatan haray talaabadii ugu danbeysay ee qandaraaska lagu saxiixayo iyadoo daafacaan uu saacadaha soo socda ku biiri doono Blues.
Isha: F. Romano.

Lucas Torreira oo Ku Biiraya:

Lucas Torreira ayaa aqbalay inuu ku biiro Galatasaray, xiddiga khadka dhexe ee Arsenal wuxuu u duuli doonaa magaalada Istanbul maalmaha soo socda iyadoo Arsenal ay iibkiisa ku heli doonto lacag gaareysa 7 milyan euro.
Isha: F. Romano.

Barcelona Ayaa Daneyneysa:

Barcelona ayaa dooneysa inay soo xerogeliso xiddiga Chelsea Marcos Alonso sida ugu dhaqsiyaha badan.
Waxaa weli socda wadahadalada u dhaxeeya labada kooxood iyadoo ciyaaryahanka uu hishiis shaqsi ah la gaaray Barca bilo ka hor. Alonso ayaa doonaya inuu sababo shaqsi ah darteed uga tago Chelsea xagaagan.
Isha: F. Romano.

Kounde oo ka degay Barcelona:

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday heshiiska difaaca reer France ee Jules Kounde oo ay ku garaacday Chelsea.
Barcelona ayaa heshiis la gaadhay Sevilla oo ay kala soo wareegtay Jules Kounde oo ay kasoo bixinayso 50M oo Eruro iyo 10M oo Euro oo ku xidhnaan doona bandhig ciyaareedka daafacan, waxaanu qalinka ku duugay heshiis shan sannadood ah oo soconaya illaa sannadka 2027.
Isha: F. Romano.

Diego Simeone oo Xiiso u Qabba CR7:

Atletico Madrid ayaa la xiriirtay wakiillada Cristiano Ronaldo si ay ula soo saxiixato weeraryahanka reer Portugal, oo 37 jir ah, kana tirsan Manchester United.
Lama ogga suurto galnimada CR7 ugu biiri doono Kooxdan.
Isha: AS.

Tartanka Jules Kounde:

Chelsea ayaa horay heshiis shaqsi ah ula gaartay Jules Kounde waxayna hadda Sevilla u soo bandhigtay 55m euros (£46.7m) si ay u hesho daafaca France, 23.
Sidoo kale Barcelona ayaa weli xidigaan maanka ku haysa.
Isha: Marca.

City oo Bedelka Zinchenko Arkootay:

Manchester City ayaa dalab rasmi ah ka gudbisay daafaca bidix ee Brighton iyo Spain Marc Cucurella , 23, si uu ugu bedelo Oleksandr Zinchenko, oo 25 jir ah.
Zinchenko ayaa ku biiray Gunners.
Isha: F.Romano.

City oo Bedelka Zinchenko Arkootay:

Manchester City ayaa dalab rasmi ah ka gudbisay daafaca bidix ee Brighton iyo Spain Marc Cucurella , 23, si uu ugu bedelo Oleksandr Zinchenko, oo 25 jir ah.
Zinchenko ayaa ku qanacsan inuu ku biiro Arsenal.
Isha: F.Romano.

Xaalka Zinchenko Waa Sidee:

Waxaa jira heshiis u dhexeeya Arsenal iyo Man City tan iyo Jimcihii, £ 30m oo Ginni Ayaa Leysku Afgartay. Wadahadallada ayaa weli u socda xiddiga iyo kooxda kuwaas oo ku saabsan shuruudaha gaarka ah ee xidiga. labada koxood ayaa doonaya iney soo gabogaboyeen heshiiskan kama dambeyn asbuucan.
Zinchenko ayaa ku qanacsan inuu ku biiro Arsenal.
Isha: F.Romano.

Derby d'Italia:

Kooxaha ku xifaaltama horyaalka Talyaaniga ee Inter Iyo Juventus ayaa haatan labaduba dar dar xoog leh ugu jirra soo xerro gelinta daafaca reer Brazil iyo Kooxda Torino Gleison Bremer.
Inter ayaa isla waqtigaan wadahal kula jirto kooxda Torino ayadoo la warinayo iney 30M Euro ay miiska soo saareen, hasa ahaate Juventus ayaa dhankeeda lagu soo sheegaya iney 35M Euro iyo 5M Euro oo dheeraad ah ay diyaar la tahay.
Loolanka kooxahan ugu jiraan soo xero gelinta xidigaan ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socdo soo idlaado, waxii kasoo cusbaanado halkaan Ayaan idinkula wadaagi doonaa.
Isha: Sky Italia.

Roma oo Soo Xerogalisay:

Laacibka reer Argantina ee lambarka tobanaad u xiran jirey Juventus Paolo Dybala ayaa heshiis 3 sanno ah ugu biiray kooxda ka dhisan caasimada Italy ee Roma.
Macalinka leyliya kooxdan Jose Mourinho ayaa gacan weyn ka qaatay ku biirista laacibkan ee Roma, asagoo khadka telefoonka kala xariiray una sheegay qoryashiisa.
Isha: F. Romano

Bayern oo lasoo wareegtay:

Bayern Munich ayaa jeebka u farakhday laacibka reer holland ee daafaca uga ciyaara Juventus ee matthijs de ligt.
Labada kooxood ayaa ku heshiiyay in 70m Euro oo laacibku ugu wareego kooxda Bayern ayadoo ay jiro doonto 10M Euro oo ku xiran bandhigiisa.
Isha: F. Romano

Juventus oo aan Ka Rajjo Dhigin:

Juventus ayaa diyaarinaysa lacag dhan 45 milyan oo euro (£38m/$45m) oo ay kula soo wareegayso xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Roma ee Nicolo Zaniolo.
Isha: Calciomercato

Chelsea oo u Dhaqaaqday:

Haatan Blues ayaa la sheegayaa in ay dalab 40 milyan oo euro ah ka gudbisay saxiixa xiddiga kooxda PSG ee Presnel Kimpembe.
Tababare Tuchel ayaa ah shaqsiga dalbaday in ay cheslea u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga reer France maadama uu xidhiidh fiican la leeyahay xiddiga.
Isha: Mirror

CR7 Ayaa Beeniyey:

Cristiano Ronaldo oo 37 jir ah ayaa meesha ka saaray wararka xanta ah ee la xiriirinaya inuu amaah ugu laabanayo kooxdiisii ​​hore ee Sporting Lisbon . Kabtanka Portugal ayaa soo dhigay “been abuur” isaga oo u jawaabaya sheeko Instagram ah oo uu qoray Sport TV Portugal oo muujinaysa baabuurka weerarka Manchester United oo taagan garoonka Sporting.
Isha: The Sun

Tottenham oo Xiiseyneysa:

Tottenham ayaa diyaar u ah inay 17 Milyan oo euro ka bixiso saxeexa Memphis Depay balse Barcelona ayaa iyadu 20 Milyan ku doonaysa iibkiisa.
Isha: Sport

De Jong oo Ka Cago Jiidaya:

Frenkie de Jong ayaa kasoo horjeeda inuu ku biiro Man United iyo kooxaha kale ee England balse wuxuu soo dhawayn lahaa u wareegista horyaalka Bundesliga iyo Bayern Munich.
Isha: Sport

Barca Ayaa Daneyneysa:

Barcelona ayaa dareenkeeda u jeedisay daafaca dhexe ee Sevilla ee Jules Kounde oo sidoo kale Chelsea lala xidhiidhinayay kaddib markii ay la saxeexatay Lewandowski.
Isha: Marca

Bayern oo Daaweneysa:

Bayern Munich madaxeeda fulinta ee Oliver Kahn ayaa ku sifeeyay weeraryahanka Tottenham ee Harry Kane mid heer sarre ah kaddib markii ay Robert Lewandowski ka iibiyeen Barcelona.
Isha: Star

Liverpool oo Waayi Doonta Xiddig Weyn:

Sadio Mané ayaa go'aansaday inuu ka tago Liverpool xagaagan.
Mane ayaa diyaar u ah inuu wajaho isbedel cusub oo dhanka waayo-aragnimada ah ka dib sannado badan oo uu la qaatay Reds, Liverpool ayaa dhawaan xaqiijin doonta Bixitaankiisa.
FC Bayern Ayaa Ah kuwa ugu cadcad iminka, laakiin wali tartanka waa furan yahay maadama uusan Sadio cidna wada hadal la furin oo muhiimada koowad ka dhigtay Final-ka Champions League. .
Isha: Fabrizio Romano

Ivan Perisić Ayaa Caafimaad-Ka U Maraya:

Ivan Perisić ayaa London gaari doona todobaadka soo socda isaga iyo wakiiladiisa si ay tijaabada caafimaad ugu maraan isla markaana ay u saxiixaan qandaraaskiisa cusub ee Tottenham.
Perisić ayaa Spurs ugu biiri doona heshiis labo sano ah, sida la xaqiijiyay.
Isha: Fabrizio Romano

Gnabry oo Ay Suurto Gal Tahay Tago:

Laacib-ka kooxda Bayern Munich ee Serge Gnabry ayaa ay suurto gal tahay inuu isaga huleelo kooxda.
Bayern Munich ayaa dalbanaysa 40 milyan oo euro si ay u iibiso Serge Gnabry xagaagan.
Isha: BILD

Juventus oo Burburineysa Heshiiska:

Juventus ayaa lagu wadaa iney gebi ahaanba burburiso qandaraaska ay kula jirto Aaron Ramsey. Iyadoo welli hal sano ayaa uga harsantahay qandaraaskiisa haatan.
Isha: Tuttosport

Tottenham Ayaa Ku Dhoow Soo Xerro Gellinta:

Tottenham ayaa qarka u saaran inay Chelsea iyo Juventus ku garaacdo saxiixa Ivan Perišić.
Xiddiga reer Croatia ayaa ogolaaday heshiis laba sano ah oo uu ugu biirayo kacaanka Conte ee Spurs.
Isha: Independent

PSG oo Bedel-ka Pochettino u Aragta:

Mauricio Pochettino ayaa lagu wadaa inuu isaga huleelo PSG. Kadib saxiixii ay ku ceshteen wiilkooda dahabiga ah ee Mpape, PSG ayaa hada u aragta in macalinkii hore ee Real Madrid Zinedine Zidane uu yahay midka ugu cadcad ee leylin karro safka PSG.

PSG ayaa ku guuleysatay iney ceshato Xidigeeda:

PSG ayaa ku guuleystey iney heysato xidgeeda dahabiga ah ee Kylian Mbappé kaas oo lagu wado inuu saxiixo heshiis 3sanno ah. Tan ayaa ka dhigan in rajadii Real Madrid ee soo xerro gelinta xidigaan ay noqotay caano bacaad lagu lisay.

Juventus oo laga yaabo iney dib u hesho:

Paul Pogba ayaa lagu wadaa inuu heshiis la gaaro Juventus, taas oo ka dhigan inuu dib u xiran doono funaanada Marwada Duqda ah. Qandaraaska 3-sano ah ayaa ku kacaya €7.5m xilli ciyaareedkii iyadoo ay jirto gunno dheeraad ah.

Real Madrid oo Heshiis 6-Sanno Ah Ka Saxiixeysa:

Vinicius Jr ayaa lagu wadaa inuu saxiixi doona heshiis cusub oo 6 sano ah uu kala sii joogayo kooxdiisa Real Madrid. Ciyaartoyga iyo Kooxda ayaa labaduba ku qanacsan heshiiskan.

Kooxo Cusub oo Kusoo Biirey Tartanka Loogu Jirro:

Kooxaha Ka dhisan England ee London Dariska ku ah ee Arsenal iyo Tottenham ayaa soo galay tartanka loogu jiro soo xerro gellinta xidiga reer poland ee Robert Lewandowski ayagoo markaan ka garab kaluumaysanaya Barcelona oo ka mida kooxaha ugu cadcad soo xerro gellinta xidigaan.