Kabtanka Real Madrid Marcelo Ayaa Xaqiijiyay Inuu Isaga Huleelayo Kooxdiisa Ka Dib Guushii Xalay Ay Ka Gaareen Liverpool.

Kabtanka kooxda Real Madrid ee Marcelo ayaa xaqiijiyay in uu isaga tagayo kooxda xagaagan kadib markii uu sabtidii kula guulaystay tartanka UEFA champions League oo ay ku garaaceen kooxda Liverpool. Los Blancos ayaa 1-0 kaga badisay Liverpool kulan ka dhacay Paris, si ay u qaadaan koobkoodii 14-aad ee tartanka, waana koobkoodii shanaad sagaalkii sano ee ugu dambeysay.

Marcelo waxa uu ahaa qayb muhiim ah dhammaan shantii guulood. Hadda kama muuqato wax qoomamo ah inuu ka tago kooxdii uu kusoo bulaalay, fursadan ayuu kaga faaideystey kooxda oo ku jirto jawi dabaal deg horyaalka Yurub asagoo u arka inay tahay macsalaamaynta ugu fiican. Isagoo la hadlayay kanaalka Isbaanishka Movistar Plus, wuxuu yiri:

Waa dareen cajiib ah sababtoo ah waa kulankeygii ugu dambeeyay ee Real Madrid, waxaan ka tagayaa Madrid oo aan kula guuleystey Champions League waa farxad aad u weyn, ma ahan maalin murugo.

Marcelo oo hadalka sii watta ayaa sii raaciyey:

Waxaan filayaa in aan wax kasta isla soo qaadnay; waanu wada hadalnay oo sidaas ayaan u go'aansanay iney tahay sida u wanaagsan kooxda iyo anigaba. Waxaan sameeyey waxkasta oo ciyaartooy ku sameyn karey Madrid. Waxaan nasiib u yeeshay inaan shan iyo toban sano iyo badh la qaatay kooxda ugu fiican adduunka.

Waxa uu Santiago Bernabeu kaga yimi Fluminense bishii January 2007dii, waxana uu si degdeg ah u noqday mid ka mida xidigaha laf dhabarta u ah kooxda Real. Laacibka reer Brazil ayaa isaga tagaya isaga oo ah xiddiga ugu shidan taariikhda Real Madrid. Waxa uu ku guuleystay 25 koob, oo ay ku jiraan lix koob oo La Liga ah iyo shan koob oo Champions League ah, isagoo u saftay 546 tartamada oo idil.

Saameynta Marcelo ayaa si muuqata hoos ugu dhacday dhowrkii sano ee la soo dhaafay, waxaana uu inta badan u ciyaaray kursiga keyd-ka ugu jirey Ferland Mendy. Si kastaba ha ahaatee, ma jiraan cid inaba xaqiri karto dhaxalka uu uga tagay kooxdan.


Ku Xirnoow FiirsoHada