Waxaa Maanta La Sameyn Doonaa Isku Aad-ka Heerka Group-yada ee Uefa Champions League, Sidoo Kale Waxaa La Shaacin Doonaa Laacib-kii Ugu Fiicnaa Qaarada Yurub Xilli Ciyareed-ki Tagay.
Real Madrid ayaa diyaar u ah in ay difaacato koobkeedii 14-aad ee kooxaha Yurub iyada oo Manchester City, PSG, Liverpool, Bayern Munich, Barcelona iyo quwado kale ay qorsheeyeen in ay koobkan qaadaan.
2022/23 heerka guruubyada UEFA Champions League ayaa la dejjin caawa 7-da fiidnimo xilliga geeska Afrika iyadoo 32 naadi oo Yurub oo dhan ah ay diyaar u yihiin inay u dagaalamaan koobka ugu sareeya qaarada Yurub.
Los Blancos ayaa sanadkii hore ku guulaysatay horyaalkan iyada oo uga mahad naqeysa geesinmadii Karim Benzema, laakiin sanadkan waxa jira ciyaartoy kale oo badan oo doonaya iney kooxahooda ku hogaanshan ku guuleysiga koobkan. Lionel Messi iyo Kylian Mbappe ayaa rajeynaya inay PSG ku hogaamiyaan koobkii ugu horeeyay ee Champions League, halka Robert Lewandowski uu u dhaqaaqay Barcelona isagoo rajeynaya inuu ka caawiyo Blaugrana inay ku soo laabato xagga sarre ee khaarada Yurub.
Isku aadka heerka guruubyada ayaa koox walba ku duggi doona wadadii ay u mari lahayd wareega 16ka, iyadoo sideed group oo min afar kooxood ah ay diyaar u yihiin isku aadka. Koox kastaa waxay ciyaari doontaa lix kulan oo heerka group-yada ah, iyadoo saddex ay ku ciyaarayaan gurigooda, saddexna ay ku ciyaarayaan dibada.
Sidee Loo Sameeyaa Isku Aad-ka Heer-ka Group-yada?
32 kooxood ayaa loo kala qaybin doonaa sideed group oo min afar kooxood ah. Inta lagu guda jiro isku aadka, UEFA ayaa hal koox ka dooran doonta mid kasta oo ka mid ah afarta dheri si ay u sameysmo hal group oo dhameystiran.
Dherriga 1aad waxa uu ka koobnaan doonaa kooxaha difaacanaya Champions League iyo Europa League, oo lagu daray kooxaha difaacanaya horyaaladooda maxaliga ah kuwaaas oo ka mid ah lixda waddan ee ugu sarreeya Horyaalada Sarre ee Yurub sida ay ku qiimeyso UEFA.
Maaddaama kooxda ku guuleysatay Champions League ee Real Madrid ay sidoo kale tahay kooxda heysata horyaalnimada Spain oo kamid ah (lixda horyaal ee ugu sarreeya), booska dheriga 1 ee loo qoondeeyay kooxda heysata horyaalka Isbaanishka ayaa loo wareejinayaa horyaal-ka xiga ee ugu wanaagsan qiimeynta kaas oo ah horyaalka (Netherlands) iyo ku guuleystaheeda horyaalka (Ajax).
Dheriyada 2, 3, iyo 4, kuwani waxay ku saleysan yihiin liiska kala sareynta kooxaha UEFA, kaasoo ah qaacido xisaabeed lagu qiimeeyo waxqabadka koox gaar ah tartamada gudaha iyo kuwa qaaradaha shantii sano ee lasoo dhaafay.
Sida Kooxahu Dheriyada Ugu Kala Jiraan.
ⓘ Marka Laga Soo Taggo Dherriga 1aad, 3-da Dherri ooo Kale Waxaa Kooaxaha Loo Kala Geliyey Sidey Ugu Kala Sareeyaan Qiimaynta Kooxaha ee UEFA.
Dherriga 1aad |
---|
Dherriga 2aad |
---|
Dherriga 3aad |
---|
Dherriga 4aad |
---|
Hal Koox ayaa laga dooran doonaa dheri kasta si ay u sameysmaan siddeed group oo min afar kooxood ah.
Kooxaha isku waddan-ka yimid isku guruub lama wadda gellin doono waxaana loo gudbiyaa group-ka xiga ee la heli karo.
Tirada | Wadanka | Kooxaha |
---|---|---|
5 | Germany | Bayern Munich Dortmund Leverkusen RB Leipzig Frankfurt |
4 | England | Man City Liverpool Chelsea Tottenham |
4 | Italy | AC Milan Inter Milan Napoli Juventus |
4 | Spain | Real Madrid Barcelona Atletico Madrid Sevilla |
3 | Portugal | Benfica Porto Sporting CP |
2 | France | PSG Marseille |
2 | Scotland | Celtic Rangers |
1 | Austria | RB Salzburg |
1 | Belgium | Club Brugge |
1 | Croatia | Dinamo Zagreb |
1 | Czech Rep | Viktoria Plzen |
1 | Denmark | FC Copenhagen |
1 | Israel | Maccabi Haifa |
1 | Netherlands | Ajax |
1 | Ukraine | Shakhtar Donetsk |
Jadwal-Ka Champions League.
Heer-ka Group-yada.
Isku aadka heerka guruubyada Champions League 2022/23 ayaa dhici doona 25ka Agoosto 2022 magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Kaliya labada kooxood ee ugu sareysa guruub walba ayaa u gudbi doona wareega 16-ka.
Kulan-ka | Tariikh-da |
---|---|
1 | Sept. 6-7, 2022 |
2 | Sept. 13-14, 2022 |
3 | Oct. 4-5, 2022 |
4 | Oct. 11-12, 2022 |
5 | Oct. 25-26, 2022 |
6 | Nov. 1-2, 2022 |
Heer-ka Bugbaxa.
Isku aadka wareega 16ka ee Champions League 2022/23 wuxuu dhici doonaa November 7, 2022. Isku aadka Rubuc Dhamaad-ka iyo Afar Dhamaad-ka ayaa isna la qaban doonaa Maarso 17, 2023.
Kulan-ka Finaalaha ayaa lagu qaban doonaa garoonka Ataturk Olympic Stadium ee magaalada Istanbul ee dalka Turkiga 10-ka June 2023.
Wareega | Lugta 1aad | Lugta 2aad |
---|---|---|
Wareega 16-ka | Feb. 14-22, 2023 | Mar. 7-15, 2023 |
Quarterfinals | Apr. 11-12, 2023 | Apr. 18-19, 2023 |
Semifinals | May 9-10, 2023 | May 16-17, 2023 |
Final | June 10, 2023 |