Suuqa Kala Iibsiga: Chelsea oo Ugu Dambeyn Enzo Fernandez Lasoo wareegtay.

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa ugu dambayntii ku guuleysatay saxeexa xiddiga khadka dhexe ee reer Argentina ee Enzo Fernandez oo ay u jabisay rikoodhkii iibka ciyaartoyda horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier Legue.

Chelsea iyo Benfica ayaa heshiis ka gaadhay qaabka ay Blues u bixinayso £115 milyan oo Gini oo Todd Boehly uu ku kharash garanaynayo Fernandez oo noqonaya saxeexii ugu qaalisanaa ee abid ay samayso koor horyaalka Premier League ah.

Enzo Fernandez ayaa tijaabada caafimaadka ku maraya magaalada Lisbon ee waddanka Portugal ka hor inta aanay labada kooxood si rasmi ah ugu dhawaaqin, in uu laacibkani yahay ciyaartoy ka tirsan Chelsea ka hor inta aanu xidhmin suuqa iibka ciyaartoyda oo saqda dhexe ee caawa lasoo xidhayo.

Laacibkan ayaa dhaafi doona rikoodhkii iibka Premier League ee sannadkii 2021 uu ku noqday xiddiga ugu qaalisan ee Jack Grealish, waxaana uu dhaafi doonaa £15 milyan oo Gini.

Benfica ayaa faa’iido weyn ka samaysay Enzo Fernandez oo kaliya lix bilood u ciyaarayay, iyadoo bishii Julay ay kasoo iibsadeen River Plate, waxaana uu kaliya u saftay 17 kulan oo horyaalka Premier League ah.

Chelsea ayaa ogolaatay inay bixiso lacag ka badan inta lagu burburin karayo qandaraaskiisa Benfica oo ahayd £105 milyan oo Gini, waxaanay ku dheeraad ah £10 milyan oo Gini, iyadoo sababta lagu sheegay in ay kooxda reer Portugal ogolaatay in lacgta ay Chelsea waqtiyo kala duwan bixiso.

Bleus ayaa waxay bishan January lasoo wareegtay toddoba ciyaartoy oo kale oo ay ku kharash garaysay £220 milyan oo Gini, waxaanay kala ahaayeen Benoit Badiashile, David Datro Fofana, Mykhailo Mudryk, Andrey Santos, Noni Madueke, Malo Gusto iyo Joao Felix oo isagu ah amaah illaa dhamaadka xilli ciyaareedkan ay kala soo wareegeen Atletico Madrid.


Ku Xirnoow FiirsoHada