Suuqa Kala Iibsiga: Liverpool Ayaa Lasoo Wareegtay Xidig Muhiim Ah.

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa dhamaystiray saxeexeedii koowaad ee suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan, waana xiddig weyn oo uu tababare Jurgen Klopp dabada ka riixayay si uu ugu xoojiyo safkiisa dhibaatooday xilli-ciyaareedkii hore.

Liverpool ayaa dhamaystirtay heshiiska xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka Argentina iyo Brighton ee Alexis Mac Allister oo noqday ciyaartoyga koowaad ee Liverpool la saxeexatay, waxaana uu qalinka ku duugay heshiis shan sannadood ah oo socon doona illa sannadka 2028.

Tijaabada caafimaadka ayaa loo diyaariyey Mac Allister oo uu mari doonaa 48ka saacadood ee soo socda gudahood, waxanaa garoonka tababarka Liverpool ee Kirkby AXA Training Center kusoo dhoweyn doona Jurgen Klopp iyo maamulka kooxda. Wariyaha ciyaaraha ee Fabrizio Romano ayaa xaqiijiyey in la dhamaystiray hehsiiska Mac Allister oo ay Liverpool ka bixin doonto inta u dhaxaysa £60 milyan oo Gini illaa £65 milyan oo Gini oo ah lacagta lagu burburin karayo qandraaskiisa Brighton & Hove Albion.

24 jirkan oo ka mid ahaa xiddigihii xulka qaranka Argentina furaha ugu ahaa guushii Koobkii Adduunka ee Qatar ee bishii December ayaa sidoo kale xilli ciyaareed fiican kusoo qaatay kooxdiisa Brighton oo uu sabab ugu noqday in ay kasoo qayb-gasho tartanka Europa League xilli-ciyaareedka dambe.

Liverpool ayaa si rasmi ah heshiiska Alexis Mac Allister ugu dhawaaqi doona marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee kooxaha Ingiriiska oo ku beegan June 17.


Ku Xirnoow FiirsoHada