Antonio Rudiger Ayaa Ku Rajjo Weyn In Saaxiibkiis Kula Soo Biiri Doono Real Madrid, Waa Kuma?

Antonio Rudiger ayaa sheegay inuu ku soo dhaweynayo Real Madrid saaxiibkiisii hore ee Chelsea Kai Havertz.

Haverz oo 24 sanno jir ah ayaa si xoogan loola xiriirinayaa inuu u wareegayo Real Madrid ka dib markii weeraryahan Karim Benzema uu qaatay go’aan lama filaan ah isagoo u wareegay kooxda Sacuudi Areebiya ee Al-Ittihad.

Weeraryahanka Chelsea ayaa seddex xilli ciyaareed oo isku dhafan ku qaatay Blues, isagoo ku guuleystay Champions League xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay ka hor inta uusan luminin booskiisa shaxda dhowr tababare uu ka hoos ciyaaray.

Laakiin Real Madrid ayaa ka badbaadin karta qarowga uu ku wajahayo galbeedka London iyagoo ku iibsanaya 70 milyan ginni. Rudiger ayaa sheegay inuu si weyn ugu soo dhaweyn doono caasimada Spain, iyadoo labadaan xiddig ay ku kulmeen xulka Jarmalka.

Waan ku faraxsanaan lahaa inaan Harvertz mar kale la ciyaaro heer kooxeed ayuu Rudiger u sheegay jariirada AS.

Nasiib darro wax badan kama oran karo sababtoo ah waa qodob ku saabsan suuqa kala iibsiga, hadalkeygana muhiim ma ahan. Waa go’aanka kooxda.

Haveryz ayaa horaantii xilli ciyaareedka lala xiriirinayay Bayern Munich halkaasoo uu tababare ka yahay tababarihii hore ee Chelsea Thomas Tuchel.

Ku Xirnoow FiirsoHada