UCL: UEFA oo Shaacisey Shaxdii Ugu Wacneyd Champions League Xilli Ciyaareed-ka Dhamaade.

Xidhiidhka champions League ayaa soo saaray shaxda ugu fiican xilli ciyaareedka tartanka champions League ee soo dhamaaday.

Tartanka champions League ayaa la soo afjaray habeenimadii sabtidii kadib markii ay kooxda Man City ku guulaysatay koobka.

Shaxda oo u sameysan 4-3-3 waxaa hogaaminaya weeraryahanka Manchester City Erling Haaland kaasoo 12 gool ku qaaday kabta dahabka.

Tartanka ayaa xilli ciyaareedkan lahaa xiiso waali ah iyada oo ay kooxo badan wacdaro dhigeen xilli ciyaareedkan.

Kadib dhamaadka xilli ciyaareedka UEFA ayaa soo saartay shaxda ugu fiican iyaga oo soo xushay 11-kii xiddig ee ugu fiicnaa sida wacana u ciyaarnay.

Kooxda Ku guulaystay koobka ee Man City ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 7 Xiddig maadama ay wacdaro ka dhigeen trtanka.

Waxa ku xigta kooxda laga qaaday koobka ee Inter Milan oo shaxda ku leh 2 xiddig halka ay kooxda Real Madrid shaxda ku leedahay 2 xiddig.


Ku Xirnoow FiirsoHada