Suuqa Kala Iibsiga: Man United oo Ku Guuleystey Soo Xerro Gelinta Sofyan Amrabat.

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa hadda dhamaystirtay saxeex cusub oo maanta oo uu xidhmayo suuqa iibka ciyaartoydu uu tababare Erik ten Hag kusoo dhoweyn doono kooxdiisa.

Athletic ayaa horay u sheegtay in United ay ka shaqeyneysay saxiixa 27 jirka ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga maanta.

United ayaa xagaagan oo dhan lala xiriirinayay xiddiga heerka caalami ee dalka Morocco laakiin haatan waxa ay la galeen heshiis uu ku jiro ikhtiyaar ay ku iibsan karaan.

United ayaa u dirtay agaasimaheeda kubada cagta saaka magaalada Florence si uu hishiiska u soo dhameeyo una xaqiijiyaan saxiixa Amrabat.

Manchester United oo sidoo kale sugaysa labada ciyaartoy ee Sergio Reguilon iyo Sofyan Amrabat isla markaana lala xidhiidhinayo difaaca dhexe ee reer France ee Jean Claire-Todibo ayaa waxay hadda xaqiijisay saxeex reer Turkey ah oo waqti hore la sugayay inuu yimaaddo Old Trafford.


Ku Xirnoow FiirsoHada