Suuqa Kala Iibsiga: Barcelona oo Hansi Flick U Magacowdey Macalinkooda Cusub.

Kooxda Barcelona ayaa Hansi Flick ka dhigtay tababareheeda cusub iyada oo ku badashay Xavi.

Flick ayaa qalinka ku duugay heshiis uu kooxda ku hogaaminayo sanadaha soo socda.

Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa waxyaabo laga yaabo aad uga baahantahay in aad ka ogaato Flick Iyo Barce.

1.Flick waa tababarihii 3-aad ee Germany u dhashay ee tababare u noqda Barcelona.

Waxa ka horeeyay tababarayaasha Wiesweiler oo kooxda hogaamiyay 1975/1976 Iyo Udo Lattek oo kooxda hogaamiyay intii u dhexaysay 1981 ilaa 1983.

2.Flick waxa uu wakhtiga hore ka fadhiistay ciyaaraha markii uu ciyaartoyga ahaa.

Sabab la xidhiidha dhaawacyo soo gaadhay Flick ayaa ciyaaraha ka fadhiistay isaga oo kaliya jira 28 sano waana wakhtiga ay ciyaartoyadu ugu fiican yihiin kubada cagta.

3.Flick ayaa ku guulaystay 7 koob intii uu ku jiray xirfada tababaranimo.

2 Bundesliga, 1 Champions League, 1 German cup, 1 club world cup, 1 Germany super cup Iyo 1 DFL-Supercup.


Ku Xirnoow FiirsoHada