Suuqa Kala Iibsiga: Jose Mourinho Ayaa Noqonaya Maclinka Kooxda Fenerbahce.

Tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa dib ugu soo laabanaya shaqada macallinimada ee uu ka maqnaa tan iyo bishii January, waxaana loo magacaabayaa koox uu u saxeexayo heshiis laba sannadood ah.

Mourinho oo bishii January laga eryey kooxda AS Roma ayaa waxa uu Sabtida ka mid noqon doonaa falanqeeyeyaasha finalka Champions League ee Real Madrid iyo Borussia Dortmund ee garoonka Wembley Stadium ee magaalada London, halka uu dhinaca kalena kaga jiro wada-hadallo uu ku go’aaminayo mustaqbalkiisa.

61 jirkan oo lala xidhiidhiyey kooxo badan, gaar ahaan kuwa lacagta badan haysta ee Sucuudiga iyo xataa xulalka qaramada qaarkood, ayaa waxa hadda uu heshiis laba sannadood ah la gaadhay kooxda reer Turkey ee Fenerbahce oo uu hoggaamin doono sannadaha soo socda.

Wariyaha ciyaaraha Gianluca Di Marzio ayaa xaqiijiyey in la dhamaystiray heshiiska Jose Mourinho iyo Fenerbahce oo soconaya laba sannadood, waxaana lagu dhawaaqi doonaa 48ka saacadood ee soo socda gudahooda.

Kooxda kale ee reer Turkey ee Fenerbahce ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayey tababarahan hore ee Real Madrid, Chelsea, Manchester United, Tottenham, Inter Milan, Roma iyo FC Porto, laakiin waxa uu iskugu biyo shubtay Fenerbahce oo kaalinta labaad kaga dhamaysatay horyaalka waddanka Turkey ee Super Lig, taas oo laba dhibcood ka dambaysay Galatasaray oo horyaalka ku qaadday 99 dhibcood iyadoo hal mar oo kaliya guul-darraysatay xilli-ciyaareedka oo dhan.


Ku Xirnoow FiirsoHada