Suuqa Kala Iibsiga: Kylian Mbappe Oo Ku Biirey Real Madrid.

Weeraryahankii kooxda PSG iyo xulka Qaranka Faransiiska Kylian Mbappé, ayaa lagu wadaa in uu toddobaadka dambe heshiis rasmiya uu ugu wareego kooxda Real Madrid ee xalay ku guulaystay koobka UEFA Champions League.

Mbappé oo go'aanka ku biirista Real qaatay bishii February ee sannadkankan ayaa noqonaya weeraryahan firfircoon oo ku biiray kooxda ugu guulaha badan koobka UEFA Champions League.

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa soo gabogabaysay heshiiskii muddada dheer la sugayey iyo hadal-hayntii ugu waqtiga dheerayd kubadda cagta ee toddobadii sannadood ee ugu dambeeyey soo socotay, waxaanay la saxeexatay xiddiga reer France ee Kylian Mbappe oo ugu dambayntii noqday ciyaartoy Real Madrid.

Real Madrid ayaa waxa ay Kylian Mbappe ka saxeexday heshiis shan sannadood ah oo socon doona illaa sannadka 2029, waxaana uu si xor ah ugaga soo wareegi doonaa Paris Saint-Germain.

Kylian Mbappe ayaa sameeyey tanaasul badan si uu u rumeeyo riyadiisa ah inuu u ciyaaro Real Madrid, waxaana dhinacyadu ay saxeexeen dhamaan dhukumentiyada heshiiska oo dhamaystiran waqtigan, waxaana hadda socota diyaarinta xafladda lagu soo bandhigayo laacibkan.

Wariyaha ciyaaraha Fabrizio Romano ayaa xaqiijiyey in Kylian Mbappe uu isku diyaarinayo safarka uu ku tegayo magaalada Madrid si loogu soo bandhigo taageereyaasha ka hor inta aanu la midoobin xulka qarankiisa France ee Arbacada la ciyaaraya Luxenburg kulan saaxiibtinimo oo ay ugu diyaar-garoobayaan tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024.

Wargeyska L’Equipe ayaa hore u sheegay in Kylian Mbappe warbaahinta loosoo bandhigi doono maalinta Isniinta ah ee berri.